U bood dhigaalka

Imaaraatka Carabta oo Saldhig Milatari ka Sameysanaya Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa magaalada Dubai ku saxiixay heshiis dowladda Imaaraatka loogu ogolaanayo iney saldhig ciidan ka samaysato magaalada Berbera.

Heshiiskan oo aanay xukuumadda Somaliland si rasmi ah uga hadlin, ayaa  hadana muuqaallo laga baahiyey Tv-ga maamulka SLTV, ay cadeeyeen  kulanka dhex maray labada dhinac oo xubnihii madaxweynaha la socday ay warbaahinta u sheegeen arrintan saldhiga ciidan afkoodana ay ka qirteen.

Wararka heshiiskan laga helayo ayaa sheegaya in madaxweyne Siilaanyo iyo dawladda Imaaraatku ay is weydaarsadeen sida  ay u isticmaali doonaan saldhiggan oo la sheegayo in uu yahay dhul ballaaran  waxayna dawladda Imaaraatku ku tilmaantay inuu saldhigu qayb ka qaadan doono ilaalinta amniga geeska afrika iyo la dagaalanka Burcad-badeeda .

Siyaasiyiin kala duwan oo qoraallo kaga jawaabay arrintan ku saabsan heshiiska ayaa tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo ku  degdegay heshiiskan iyaga oo sidoo kale ku sheegay in qorshaha dalka Imaaraatku uu yahay inuu rabo saamayn isaga faa’iido u leh inuu ku yeesho Somaliland iyada oo dhawaanna  lagu wareejiyey maamulka dekadda Berbera oo dadka qaar wali ka biyo diidan yihiin.

Bilawgii sannadkan  ayaa magaalada Berbera waxa yimi wefti ka socda dawladda Imaratka kuwaasi oo madaxweyne Siilaanyo kulan ay la yeesheen lagu soo hadal qaaday heshiiskan hadda ee saldhigga Imaaraadka .

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada