U bood dhigaalka

Emmanuel Macron Oo Noqday Madaxweynaha Faransiiska, Aragtida Midowga Yurub Oo Guuleysatay

Sheeko:Caalamka

Doorashooyinkii ka dhacay waddanka Faransiiska ayaa waxaa ku guuleystay Emmanuel Macron isaga oo helay codad dhan 66.6% oo ka mid ahaa codadka la dhiibtay  halka gabadha la tartameysay ee Marine Le Pen ay heshay  codad dhan 33.94%.

Emmanuel Macron ayaa waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu da’da yaraa oo soo mara waddanka Faransiiska waxa uuna jiraa 39 sano, isagoo wax xil ah aan horay u soo qaban.

Madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska ayaa waxay u hambalyeey qaar ka mid ah madaxda wadamada caalamka oo uu ka mid yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaasi oo fariin hambalyo ah u soo diray madaxweynaha cusub.

Caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris ayaa waxaa la adkeeyay ammaankeeda iyadoo wadooyinka magaaladaasi la dhigay in ka badan 50 kun oo ka mida askarta ciidamada Boliska inta ay socotay doorashada.

Doorashada Faransiiska ayaa inta ay socotay waxaa muhiimad gooni ah iyo kormeero siinay madaxda dowladaha qaaradda Yurub, gaar ahaan natiijada ka soo baxda doorashada taasi oo saameyn weyn ku yeelan doonta mustaqbalka Midowga Yurub.

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska ayaa waxaa hor yaallo arrimo badan oo la doonayo inuu wax ka qabto kuwaas oo ay ugu horreeyaan Amniga, ladagaalanka Argigixisada, xoojinta dhaqaalaha waddanka, ka hortagga dadka soo galootiga ah iyo inuu wanaajiyo xiriirka uu Faransiiska uu la leeyahay dowladaha reer Yurub.

Goobjoog News