U bood dhigaalka

Eng. Abiikar: Waxaa Norway Ku Sugan Saraakiil Ka Socota Wasaaradda Batroolka, Maaliyadda….

Sheeko:Dalka

Sida uu Goobjoog News u sheegay Eng. Cabdiqaadir Abiikar Xuseen  oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda Batroolka,  waxaa dalka Norway ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, oo ay la socdaan Xubno Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Khayraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan Soomaalida ah ee ka qeybgalaya siminaar ka dhacaya  magaalada Stavanger,  Norway  waxaa ku wehliya waddamo Kale sida: Montenegro, Lebanon, Tanzania, iyo Sudan. Workshop ka wuxaa uu khuseeyaa sida Information management loo gu tababaran lahaa.

“ Mashruucan oo  ay dhahaan Oil for Development , waxaa Soomaaliya u jooga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo 5 qof ka socoto, wasaaradda Maaliyadda 1 qof ah  iyo 1 Xildhibaan oo ka socda Baarlamanka Federaalka ah guddiga kheyraadka, Wafidigiisa oo mar hore yimid (1da Dec) waxay dhegeesteen Workshop qiimo badan iyo waxtar u leh wasaaradda horumarinteeda” sidaasi waxaa yiri Eng Abiikar.

Eng. Cabdiqadir Abiikar Xuseen  waxaa uu intaasi ku daray in wasiirka Batroolka Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed  uu hadda ku sugan yahay  magaalada Muqdisho balse uu tagi-doono Stavanger,  Norway , maalmaha soo socda.

Wasiirka iyo Oil for Dev waxay ka hadli doonaan oo ku heshiin doonaan qaabka la rabo in loo dhiso awoodda Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Eng. Cabdiqadir Abiikar oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Wasiirka ayaa saxiixi doono mashaariic wax wada qabsi ah oo sida Wasaaraddaan ay u heli lahayd capacity oo hawsha shidaalka lagu agaasimo.

Oil for Development oo ah mashruuc Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway siiso waddamada raba inay hormariyaan awoodooda aqooneed ee shidaalka.

Goobjoog News