U bood dhigaalka

Eng Cabdi Xuseen: Ciidanka DF Geysay Gedo Waxaa Loogu Sheekeeyay In Ay Xoreynayaan Bu’aale

Sheeko:Amniga

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo ka hadlay xaaladda ciidamada ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidankaasi markii la soo qaadayay loogu sheekeeyay in ay la dagaalami doonaan cadaw iyo in ay xoreyn doonaan magaalada Bu’aale ee gobalka Jubbada dhexe.

Wasiirka oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay in ciidanka dowladda ay ku daad gureysay gobalkaasi ay aad uga xumaadeen arrinkaasi waxa uuna sidoo kale sheegay in ciidankaasi qaarkood ay sababtay in ay u soo goostaan dhinacooda.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa yiri “Ciidamadii ay dowladdu geysay weeye Gedo oo ka xun howsha loo keenay iyo in ay u socdeen cadaw, waxaa loogu sheekeeyay in la qaban doono magaalada Bu’aale ama ay xuduudaha ilaalinayaan, laakiin marka ay arkeen xaaladdu sida ay tahay ayey ka xumaadeen, marka sidaas ayey ciidamada kale ugu tageen.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in ciidanka lagu daad gureynayo gobalka Gedo ay sii kordhinayaan khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, waxa uuna hoosta ka xariiqay in aysan macquul ahayn in la heshiiyo inta dowladdu ay ciidamo ka dejinayso deegaanada qaar ee dowlad goboleedka Jubbaland.

“Ciidamadan khilaafka ayey sii badinayaan, ciidankan oo jooga wax heshiis ah maba imaan karo ayaan aaminsanahay, sababtoo ah ciidan baan soo daabulayaa aan heshiino ama aan wadahadalno wax macquula ma ahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Eng Cabdi Xuseen.

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wali waxa ay ka jirtaa gobalka Gedo, waxaana degmooyinka qaar ee gobalkaasi sida Beladxaawo isku horfadhiya ciidamo kala taabacsan labada dhinac.

Wali ma jirto wax wadahadala ah oo dhexmaray labada dhinac inkastoo waxgaradka Jubbaland ay ku baaqeen in dowladda Soomaaliya ay deegaanada maamulkaasi ka deyso faragalinta ay ku hayso.

Goobjoog News