Skip to content

10-kan Qodob hadii ay qaataan Madaxda Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed waa suurto gal in laga guuleesto Al-Shabaab.

Storyline:Archive, Science & Tech

Runtii dadka soomaliyeed waa dad karti iyo Hufnaan usaaxiib ah marka la barbardhigo dayow badan oo caalamka kamid ah gaar ahaan kuwa aay qaarad wadaaga yihiin ee Afrika, tusaala ahaan markii dib loo fiiryo waqtiyadii dowladii hore aay jirtay ee Soomalia waxey aheyd mid kamid ah dowladaha ugu horeeya dhanka quwada ciidanka oo waxaa la arkayay in ciidamada Soomalida aay ahaayeen kuwa karti iyo ad adeeg usaaxiib ah oo aan soo jeedsi laheyn taasoo keentay dalal ku yaala afrika in loo geeyo dib u xoreeyn ama nabad ilaalin.

Si kastaba aay ahaato waxaad aragtaan in manta dadkii ximaayadeena kujiray waqtiyadaas aay hada dusheena mushaaraad ku qaadanayaan shicibkana xasuuqayaan taasoo qeyb ka ah hagardaamada uu aduunku nala beegsananayay gaar ahaan Mareykanka iyo reer Galbeedka laga soo billabo markii dowladii Soomaliya ee xiligaas jirtay lagu arkay in aay halis ugu jirto in aay Afrika la wareegto hadii aay sii jirto ilaa iyo markii dambe lagu tijaabiyay dagaalkii 77 ee cadwga Ethiopia aan la galnay xilagaas taasoo markii dambe awood sare oo dalal shisheeya ah lagu baabi’iyay ciidanka xogga ee dalka kadibna xilka looga tuuray madaxweynihii xiligaas jabhada badana lagu aburay dalka si aay uwiiqaan dalka iyo dadkaba, sidaas ayaana dalku ku burburay oo aay u rumoowday riyadii cadwgeena.

Hadii aan usoo dhaadhaco dulucda hadalkayga, waxey ila tahay fikrad ahaan in aan Soomali hadaan nahay aanan kamaarmin qodobadan soo socda:

1.Marka hore dhamaan dadka soomaliyeed waa in aan joojinaa qabyaalada oo manta kaga awood badan dad badan oo Soomali ah ku dhaqanka shareecada islaamka, waayo waa midi shalay dowlad xumada iyo burburkii horseeda maantana ninkii shabaab ah ama gacan ku dhiigla ah ee la soo qabto aay cidiisa warbaahinta kaleeyihiin kalsoonida ayaan dowlada kala laabanay, ama aay markasta laaluush iyo sideey usoo deyn lahaayen u taagan yihiin xarumaha dowlada.

2-In la joojiyo dhaleeceynta madaxda dalka, waayo qofka hadii markasta la dhaleeceeyo waxba ma wanaajin karo oo waa uu niyad jabinaya, aan ku badelno kalimadaas mid kabadelan oo ah dowada horumar bay sameyneysaa mardhowna horumar ayaan gaareynaa.

3-Warbaahinta waxaaan kula tallin lahaa in aay markasta dhanka wanaagsan aay wax kasawiraan xumaatadana aan la buunbuunin waayo dalku Qatar buu kujiraa, warbaahintu hadba waa sida loo adeegsado dhisid ama dumin.

4-Madaxda sare oo dowlada waxaan ugu baaqayaa in dadkii hore ee fashiliyay dalka hadana ku wada bohosha xilka laga qaado ayadoo loo fiirin saxibtinimada ama is fahamka kale ee la fiiryo danaha qaranka.

5-In shirarka caalamiga ay iyo kuwa gudahaba lagu adkeysto in ciidamada dalka aay yihiin kuwa kaliyah ee dalka wax ka qaban karo amniga dalka tusaale buuxdana waxaa u ah weeraradii madaxtooyada, maxkamada iyo UNDP oo aay ka jawaabeen ciidamada dalka halka kuwa kale ee AMISOM aay gabaad ku xaroonayeen.

6-In aay dowlada muhiimada koowaad, labaad, iyo sedexaadba aay siiso amniga iyo dib u xoreynta dalka

7-In ciidanka soomaliyeed mushaar ku fila lasiiyo oo niyada aay udhisan shacabka iyo dowladaba, abaalmarino la siiyo lana tartansiiyo waxqabadkooda, la iskana dhaga tiara oo aan la buunbuunin waxqabadka AMISOM.

8-In aay dowlada xariir fiican la sameyso ururka Ahlu-sunna waljameeca ee gobolda dhexe si is dhaafsi ciidan iyo iskaashi dagaalba aay ula yeeshaan dhiigya cabyada islaamka ku qaraabta ee alshabaab, maadama aay yihiin kuwii ugu horeeyay ee fashiliyay aduunkana tusay in shabaab aay yihiin kuwa waxma tarayaal ah awoodoodana la wiiqi karo.

9-In weeraro jooogta ah lagu qaado xarumaha aay ka taliyaan shabaabka, lana laayo kuwa xabsiyada kujira, iyo kuwa la qabto waayo fikradaan qofkii qaata ma sahlana in uu ka baxdo waa eey raabiya qabo oo kale.

10-In aay dowlada u dhag furto talloyinka shacabka, shacab la’aantiis dowlad majirto, waa in kalsoonida shacabka dib loo soo celiyaa.

W/Q: Abdijalil Abdullahi Abdi ( Alla-aamin)
[email protected]
m