Skip to content
Storyline:Archive, Science & Tech

Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa shalay xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Kenya kuwaasi oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Gudoonka iyo guddiyada Baarlamaanka ayaa waxaa ku wehlinayey ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigaanka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka ayaa ku soo dhaweeyey wafdigan Xildhibaannada ah ee ka socda Baarlamaanka dalka Kenya xarunta Villa Hargeysa iyo guud ahaanba magaalada Muqdisho waxaana uu xusay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada wafdigan ay ku joogaan magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya Mudane Mahad Salaad oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho markii wafdigan ay yimaadeen kadib ayaa faah faahiyey ujeedada socdaalka wafdigan ka socda dalka Kenya isaga oo tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay imaanshiyaha wafdigan.

Senator Billow Adan Keyrow oo wafdigan ka mid ah ayaa isna dhankiisa waxa uu ka hadlay safarkan ay maanta wafdigooda ka socda dowladda Kenya ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey sida magaalada Muqdisho loogu soo dhaweeyey,socdaalkoodana waxa uu ku tilmaamay mid qeyb ka ah xiriirka iyo wadashaqeynta labada dal iyo in ay indhahooda ku arkaan hormarka xiligan ka jira magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Wafdigan ka socda dowladda Kenya ayaa kala ah Senator Billow Adan Kerow,Xildhibaan Maxamed Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey barqanimadii maanta Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko,ujeedada socdaalkoodana waxa ay qeyb ka tahay iskaashiga iyo wadashaqeynta Baarlamaannada labada dal ee deriska ah waa Soomaaliya iyo Kenya.

kin_1

kin_2

kin_3