Skip to content
Storyline:Archive, Science & Tech

Munaasadan lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka 8-da Maarso oo ay soo qaban qaabisay Ururka horumarinta Haweenka (IIDA) ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday ururka haweenka qaranka, ururro u dhaq dhaqaaqa xaquuqda haweenka iyo haween ganacsato ah, taasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah haweenkii ka qeybgalay munaasabada oo hadalo ka jeediyay ayaa tilmaamay ahmiyadda maanta oo kale ay u leedahay haweenka adduunka, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, iyadoo munaasabadan hal ku dhig looga dhigay, “Nabadda ayaa dadka wada deeqda sidaa darteed umadda Soomaaliyeed yar iyo weyn waa inay ka shaqeeyaan nabadda”

Duniyo Maxamed oo ka mid ah howlwadeenada ururka horumarinta haweenka (IIDA) oo munaasabada xuska maalinta haweenka adduunka hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii ay dowladdu gacan ugu siin lahaayeen ka shaqeynta howlaha lagu sugayo amniga iyo horumarinta dalka.

Sahro Cumar Maalin oo ka mid ah haweenkii kulanka ka qeyb galay ayaa ka sheekeysey qiimaha manta oo kale dunida ay ka leedahey, gaar ahaan haweenka ay u leedahay, ayadoo tilmaamtay in dumarka Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay dowladda kala shaqeeyaan sugidda amniga dalka.

Canab Xasan Cilmi guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka qaranka ayaa tilmaamtay in haweenku ay 23-kii sano ee la soo dhaafay ay ka qeyb qaateen ka shaqeynta iyo horimainta dalka.

Maanta oo ku began 8da Maarso ayaa ah maalinta haweenweynaha adduunka laga xuso, iyadoo munaasabado kuwan la mid ah laga xusayo caasimada iyo gobollada dalka.

???????????????????????????????

???????????????????????????????

ururka_hawaynka_1

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????