Skip to content

Afar qof uu ku jiro Diblamaasi Soomaali ah oo lasoo taagay Maxkamad kutaala Magaalada Nairobi

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa Maalintii shalay Maxkamad kutaala Magaalada Niarobi ee Dalka Kenya lasoo taagay afar qof oo Soomaali ah uu ku jiro Diblamaasi katirsan Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya kuwaa oo loo heesto in ay abaabuleen Weeraro argagaxiso oo ka dhacay gudaha Kenya.

Afartan Dhalinyaro ee loo heesto Dacwadaha la xariira Argagaxisinimada ayaa lagu kala Magacaabaa Xasan Cabdi Maxamed, Maxamed Cismaan Ali,Garad Xasan Feer iyo Ilyas Yusuf oo ah Diblamaasi katirsan Safaarada Soomaaliya kuleedahay Dalka Kenya.

Maxkamada lasoo taagay ragan ayaa dhageestay dacwado dhoor ah oo loo heesto afartan qof ee Soomaalida ay ugu horeeso in ay abaabuleen weerar Argagaxiso oo lagu qaaday baar weyn oo kuyaala Gudaha Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey ragan in la helay waxyaalaha qarxa oo ay raggan wateen, qalabkaasi oo laga helay xarunta ganacsiga ee Shauri Moyo Shopping Centre ee magaalada Nairobi, halkaasi oo laga helay gaari ka baxsaday Airporka kadib qaraxii halkaasi ka dhacay.

Maxkamada qaadeysa dacwadaha ragan Soomaalida ah ayaa sidoo kale ku eedeeysay in si sharci daro ah ay ku qaateen Aqoonsiga dalka Kenya kadib markii warbixino been ah u gudbiyeen Xarumaha laga qaato waraaqaha aqoonsiga ee Isiolo, Wajir iyo Garissa .

Taliyaha booliska dalka Kenya David Kimaiyo ayaa maxkamada ka hor qiray in dhalinyaradaan ay ku hayaan cadayn ah inay qorsheeyeen weerar lagu qaadi lahaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta bartimihii bishii naga dhamaaday ee January hase ahaatee laga hor tagay.
Ilyaas Yuusuf Warsame ayaa maxkamada ka hor sheegay inuu yahay shaqsi diblomaasi Soomaaliyeed ah oo aysan waxba ka jirin dambiga lagu oogay halka Sadexda kalena ay ku doodeen inay yihiin Soomaali Kenyan xaq darro lagu xiray.

Maxkmaada ayaana dhageysiga Dacwadaha loo heesto afartan qof ee Soomaalida ah dib u dhigtay ilaa 12-bishan aan ku jirno ee Febraayo , waxa kale Maxkamdu diiday in ragan lagu sii daayo damiin.