Skip to content

Akhriso: Khudbadii Wasiirka Amniga Puntland ka jeediyey munaasabad​ii xilwareeji​nta.

Storyline:Archive, Science & Tech

DOWLADA PUNTLAND EE SOOMAALIYA Wasaaradda Amniga & DDR

Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaa sharaf weyn ii ah inaad maanta goobjoog ka ahaataan munaasabada xil wereejinta Wasaaradda Amniga oo aan xilka kala wareegayo Wasiirkii xafiiska iiga horeeyey mudane Khaliif Ciise Mudan.

Ugu horayn waxaan uga mahadcelinayaa xubnihii Wasiirada ahaa ee soo hayey hogaanka Wasaaraddan shantii sano ee la soo dhaafay sidii ay u soo gaarsiiyeen shaqada Wasaaradda heerka ay maanta taagan tahay.

Anigoo ka faa’iidaysanaya munaasabadan qiimaha badan waxaan halkan idiin ku soo gudbinayaa Arrimaha aan muhiimada gaarka ah siin doono mudada aan xafiiska joogo.

Habsami u socodka Shaqada Wasaaradda.

In aanu u gudano Waajibaadkayga shaqo ee Dastuuriga ah si habsami leh oo aan dib u dhac lahayn lana dardar geliyo adeegyada ay dadweynuhu naga sugayaan wakiilkana uga nahay Dowlada Puntland ayaan xooga saari doonaa.

Inay noqdaan xafiisyada Wasaaradu heer kasta oo ay yihiin kuwa shaqaynaya awoodna u leh inay ka jawaabaan baahiyaha & adeegyada laga sugayo ayaanan ka seexan doonin iyadoo si gaar ah loo hubin doono in saacadaha shaqada si buuxda loo guto.

Shaqaalaha Wasaaradda ayaan ku samayn doonaa qiimayn si loo ogaado inay yihiin kuwo ka soo dhalaali kara shaqooyinka loo asteeyey.

Ciidamada Amaanka.

Si loo xaqiijiyo degenaanshaha guud ee Puntland waxaan ku dadaali doonaa sidii saray loogu qaadi lahaa tayada Ciidamada u xilsaaran amaanka si ay u noqdaan halyeeyo awooda hanashada amaankeena.

Inay Ciidamadu u helaan xuquuqdooda si waafi ah oo aan gacan bidixayn lahayn ayaan dadaalkeeda geli doonaa anigoo kaashanaya Masuuliyiinta Dowladda ee ay arrimahani khuseeyaan gaar ahaan Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay ka go’antahay in si buuxda loo siiyo xuquuqda ay leeyihiin laamaha amaanku.

Nabadsugida (Sirdoonka).

In Amaanka la sugo waxaa bud dhig u ah in la helo xog buuxda oo laga raadraaci karo hadba wixii khatar ah ee taagan ama soo food leh waxaana xaqiiqo ah wadan kastaa wadanka uu ka sirdoonka fiican yahay inuu ka amaan fiican yahay.

Dardargelinta laamaha sirdoonka Dowlada Puntland si ay u noqdaan kuwo soo dhirin dhirin kara xogaha xasaasiga ah ayaan muhiimad gaar ah siin doonaa si Laamaha kale ee Ciidamadu u helaan xogo ay ka duuli karaan kuna salayn karaan go’aan qaadashadooda.

Baahinta Amaanka.

Dhamaan Gobolada & Degmooyinka Dowlada Puntland waxay xaq Dastuuri ah u leeyihiin inay si siman u helaan adeegyada guud ee Dowlada oo amaanku ugu horeeyo.

Sidaa darteed waxaa iga go’an in dhamaan Qaybaha, Saldhigyada & Rugaha Ciidamada Booliska & Laamaha kale ee amaanka lagu baahiyo dhamaan Gobolada, Degmooyinka & Tuulooyinka Puntland iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo deegaanada ka leexsan wadada laamiga ah oo wakhtigan dib u dhac weyni ka jiro.

War Lalis.

Waxaanu hagaajin doonaa adeegyada war laliska ee Ciidamadu ku xiriiraan si ay u helaan fursad ay si fudud ugu wada xiriiraan wixii xog ahna ugu wadaagaaan.

Sida ugu dhakhsaha badan waxaanu u hirgelin doonaa Lanbaro lacag la’aan ah oo Dadweynuhu kula soo xiriiraan Ciidamada Booliska si ay ugu soo wargeliyaan hadba wixii khatar ah oo ay dareemaan taas oo aan aaminsanahay inay saray u qaadi doonto ka hortegida falalka amaanka ku lidiga ah.

Mudanayaal & Marwooyin,

Shaqada Wasaaradda Amniga hortaalaa waa mid culus oo u baahan si masuuliyad leh in loo waajaho iyadoo mudnaanta loo kala siinayo hadba sida ay u kala mudan yihiin mana aha baahiyaha jiraa & qorshayaasha aanu damacsanahay kuwo aan halkan ku soo ururin karo.

Waxaanse idiin ku bishaaraynayaa inay Xukuumada uu hormuudka u yahay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ka go’antahay in mudnaanta koowaad & tan labaad la siiyo amaanka si dadweynuhu u helaan xasilooni buuxda oo aan welwel lahayn taas oo aanu aaminsanahay inay fure u noqon doonto ku talaabsiga horumar badan oo dalkani u hamuun qabo.

Guul, Horumar & Amaan sugan ayaan inoo rajaynayaa.

Xasan Cismaan Maxamuud (Aloore), Wasiirka Amniga Dowlada Puntland