Skip to content

Al-Shabaab oo dib ula waregtay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe

Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe waxaa maanta markale lugu arkay gudaha deegaanka Raage Ceele ee gobolkaas ciidamo ka tirsan xooggaga Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in horay ay ugu sugnaayen deegaankas kaddib markii ay isaga baxeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab oo horay uga arrimin jiray.

Ciidankii dowladda ee horay halka ugu sugna waxaa dadka deegaanku ay sheegen in xalay saqdii dhexe ay isaga baxeen taaso kentay in isla maanta ay gudaha usoo galan ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

“Xalay waqti danbe ciidamada dowlada way baneeyen Raage Ceele iyagoo isaga guuray meelihi ay joogen,waxaana maanta markale magaalada soo galay ciidamada Al-shabaabka iyaga ayaana hadda gacanta ku haya xaaladduna way daggan tahay,”ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Raage Ceele ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-shabaab waxaa ay wali si toos ah uga arrimiyan deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha dhaxe.