Skip to content

Al-Shabaab oo Go’doomineysa Degmada Ceel Buur dibna u qabsatay Deegaano dhoor ah oo horey looga saaray

Storyline:Archive, Science & Tech

Xarakada Al-Shabaab Ciidamadooda ayaa qorsheenaya in ay go’doomiyaan Degmada Ceel Buur ee Gobolka Glagaduud , halkaas ay dhawaan qabsadeen Ciidamada Itoobiya ee Qeybta ka ah AMISOM iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Ciidamo tiro badan oo katirsan Al-Shabaab ayaa fariisimo waxa ay ka dhigteen deegaano ka baxsan Degmada Ceel Buur ,waxa ayna Shabaab ugu tala galeen Ciidankaasi in ay go’doomiyaan ayna ka hor istaagaan saanada iyo Gaadiidka u socda Ciidamada Huwanta.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in AL-Shabaab dib ula wareegeen Deegaano dhoor ah oo u dhaxeeya Degmada Ceel Buur iyo Dhuuso Mareeb , halkaasay dhawaan Al-habaab isaga baxeen si koobana gacanta ugu galay Ciidamada Huwanta.

Dagaalyahano tiro badan oo aad u hubeesan kana tirsan AL-Shabaab ayaa la arkayay iyaga oo roondo ku jira inta u dhaxeysa Degmooyinka Ceel Buur iyo Dhuuso Mareeb, Ciidamadan Shabaab katirsan ayaa qorsheenaya in weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah u geestaan Ciidamada Huwanta ah ee Ceel Buur Qabsaday.

Quburo dhinaca Milatariga ku Xeel dheer ayaa heegay in Ciidamada Dow;ada iyo kuwa Itoobiya ku howlgalyaan ay tahay qaab qaldan , waxa ayna nasiib daro ku tilmaameen in Ciidamada laga jiro dhinac walbo taasna ay tahay mid halis galineysa noloshooda.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna oo sanado kahor qabsaday Degmada Ceel Buur ayaa ku qasbanaaday in ay halkaasi si lama filaan ah uga baxaan , kadib markii la go’doomiyay loona diiday in ay wax saanad iyo cuno ah oo iyagu kusocda Ceel Buur galaan.