Skip to content

Al-Shabaab oo ka hadashay Warqado Digniino ah oo dhawaan lagu daadiyay Xaafado kamid ah Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeesay waxa ay ka hadashay warqado digniin ah oo la sheegay in Maalmo kahor lagu daadiyay Xaafado katirsan Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir. Warqadaha digniinta ah ee lagu daadiyay Degmada Hiliwaa ayaa ganacsatada kunool halkaasi looga digayay in aysan goobahooda ganacsi wax ka iibin karin dadka katirsan Dowlada gaar ahaan Ciidamada. Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal ayaa sheegay in warqadaha Digniinta ah ee lagu daadiyay Xaafado katirsan Degmada Hiliwaa in aysan Shabaab shaqo ku laheyn. Sheekh Cali Jabal ayaa tilmaamay in Warqadaha Digniinta ah ee lagu daadiyay Xaafado katirsan Degmada Hiliwaa ay ka dambeeyeen dad uu sheegay in ay doonayaan in umada Islaamka ka hor istaagaan ganacsigooda. Hadalka kasoo baxay AL-Shabaab ayaa imaanaya xili dhawaan Xaafado katirsan Degmada Hiliwaa lagu daadiyay Warqado Digniin ah ay ku qornaayeen in ganacsatada aysan waxba ka iibin karin Ciidanka Dowlada Soomaaliya.