Skip to content

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Askari katirsan Ciidanka Dowlada oo dhankooda u baxsaday.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in uu isku soo dhiibay Askari katirsanaa Ciidanka Milatariga Dowlada Soomaaliya kana howl galayay Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Askarigan la sheegay in uu katirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa isaga iyo qori AK-47 uu watay lagu soo bandhigay Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan halkaas ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Askarigan oo Magaciisa lagu sheegay Cumar Guure Ibraahim ayaa Waraahinta Shabaab u sheegay in isagu go’aansaday in uu kasoo baxo Ciidanka Dowlada iskuna dhiibo Xarakada Al-Shabaab ee Dowlada Dagaalada kula jirta.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Milatariga Gobolka Hiiraan oo ku aadan Askarigan ka goostay iskuna dhiibay Dhinaca Xarakada Al-Shabaab.