Skip to content

Ammaanka magaalada Kismaayo oo la xoojiyey iyo qaban-qaabada munaadabada caleemo sarka madaxda Jubba oo ka socota

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa si weyn loo xoojiyey amniga magaalada Kismaayo oo saldhig uu ah maamulka KMG ah ee Jubba,waxaana la arkayey ciidamo badan oo magaalada la keenay kuwaaso sugaya amniga magaalada.

Arrinta lugu xoojinayo ammaanka waxaa ay timid kaddib markii la sheegay in dhawaan ay Kismaayo ka dhacayso munaasab ballaaran oo lugu calemo saarayo madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe.

Waxaa qorshuhu yahay in 20-bishaan an ku guda jirno ee Jannaayo oo barri ku beegan in la caleemo saaro madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku-xigeenkiisa Jen.C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa magaalada Kismaayo ku qul qulayey waftiyo kala gadisan oo la sheegay inay ka qeyb-galayaan munaasabada calemo sarka.

Waxaa maanta lugu wadda inuu Kismaayo sidoo kale gaaro Danjire Nicholas Kay iyo xubno uu hogaaminaayo,kuwaaso ka qeyb-galaya munaaasabad,waxaana xilligaan Kismaayo ku sugan wafuud kala gadisan oo ay ajaanib qeyb ka yihiin.

Madaxda Puntland iyo dowladda faderaalka ayaa la sheegay inay qeyb ka noqon doonan madaxda ka qeyb-galaysa caleemo sarka madaxda maamulka Jubba.

Si kataba waxaa indhahaago qabanayan guddaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose markaas ku sugan tahay ciidamo aad u badan kuwaaso goob ka sta ku sugan,waxaana lugu sheegi kara magaalada in amnigeeda si weyn loo xaqiijiyey.