Skip to content

Aqriso magacyada Taliyaal Boliis oo lagu bedelay saraakiishii ku dhintay qaraxyadii Jazeera iyo taliyaal kale oo la magacaabay

Storyline:Archive, Science & Tech

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid), ayaa waxa uu wareegto ku magacaabay taliyaasha saldhigya Boliis oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyada oo taliyaasha la magacaabay ay ku jiraan kuwa bedelaya laba sarkaal oo dhawaan ku geeriyooday qaraxyadii hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Wareegtadaan ayaa lagu magacaabay :

Faarax C/laahi Maxamed, taliyaha saldhiga War-dhiigley, Siciid Abshir Maxamed, taliyaha saldhigga Shangaani, Maxmed Sheekh Cali isaaq (Madaxeey),taliyaha saldhigga Wadajir, Xasan Duulane Xirsi, talilyaha Saldhigga Waabari, iyo Axmed Cabdulaahi Baashane (Calooley ), taliyaha Saldhigga Degmada C/casiis.

Faarax C/laahi Maxamed, taliyaha saldhiga War-dhiigley, iyo Siciid Abshir Maxamed, taliyaha saldhigga Shangaani ayaa waxaa lagu bedelay Cabdi Qani Axmed Gacal iyo Mursal Cabdulqaadir Jaamac oo ku geeriyooday qaraxyadii lagu weeraray hoteelka Jazeera maalintii koowaad ee sanadkaan 2014-ka.