Skip to content

Aqriso Nuxurka Heshiis ay kala Saxiixdeen Maamulka Puntiland iyo Mid kamid ah Dowladaha Carabta(Daawo Sawirada)

Waxaa shalay magaaladda Dubai ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ka dhacay heshiis ay ku kala saxiixdeen Dowlada Kuweyt iyo maamulka Puntland kaas oo ah dhisitaanka garoonka diyaaradaha ee magaaladda Garoowe iyo Jaamacada Maakhir ee gobolka Sanaag.

Heshiiska ayaa,waxaa goob joog ahaa oo u saxiixay Puntland Wasiirka Maaliyadda Dr Shire Xaaji Faarax iyadoo dhanka Kuweyt-na ay Saxiixday Shirkadda qandaraaska dhismaha qaadatay ee Marco ee u hoggaaminayey Nabiil.

Waxaana sidoo kale halkaasi goobjoog ka ahaa isku xiraha Kuwait iyo Puntland Feysal Xawar iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Generaal Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde).

Faysal Xawar oo halkaas khudbad dheer kasoo Jeediyey ,isaga oo sheegay in heshiiskan iyo Saxiixan uu laf-dhabar u yahay dhisitaanka labadaasi goobood.

Waxaana uu sheegay in dhaqaale ahaan ay ku bixi doonto lacag gaareysa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Garoowe 6-milyan oo doolar,halka Jaamacada Maakhirna ku bixi doonto 4-milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Dhanka kale Nabiil oo kamid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Shirkadda Marco ee qandaraaska dhismaha qaadatay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin isla markaana balan qaadayaan in hawshan sida ugu dhakhsiyaha badan u dhameyn doonaan.

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) oo isna hadal kasoo Jeediyey madasha ayaa sheegay in heshiiska uu aad usoo dhaweynayo mashruuca ay dowlada Kuwait ugu deeqday ,wuxuuna xusay in si wanaagsan loo qaban doono mashruucan.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Shire Xaaji Faarax oo qalinka ku duugay heshiiska ayaa sheegay in labada mashuuc uu muhiimad weyn ugu fadhiyo Shacabka Puntland isla markaana dhaqaalaheeda iyo waxbarashadeeda intaba.

heshiis_5

heshiis_4

heshiis_3

heshiis_2

heshiis_1