Skip to content

Askar Dhowaan La Ruqseeyay Iyo Naafada Xoogga Dalka oo Maanta Mudaaharaad Cabasho ah Ka Sameeyay Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Boqollaal ciidamada dawlada Soomaaliya oo isugu jira rag iyo haween iyo qaar ka mid ah naafada Xoogga Dalka ayaa maanta dibadbax cabasho ah ka hor sameeyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan oo si nabad ah ku dhacay ayaa ahaa cabasho ay askarta ka qabeen ku dhowaad 3,000 askari oo dhowaan laga ruqseeyay ciidamada kadib markii lagu eedeeyay inay hawsha ciidamada u soo xaadiri waayeen.

Dibadbaxa oo markii hore ku bilawday askarta la ruqseeyay oo isugu soo baxay Taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho halkaasoo ku dhow xarunta baarlamaanka ayaa markii dambe waxaa uu banaanbaxu sii fiday markii ay ku soo biireen ciidamaa naafadii Xoogga Dalka ee deganaa isbitaalkii Martini ee degmada Xamarweyne.

Naafada Xoogga Dalka ayaa dhankooda ka cabanayey i laga gooyey raashiin iyo daryeel ay ka heli jireen dawlada waxayna eedeyn usoo jeediyeen taliska ciidanka militariga oo ay sheegeen inuu deyriyey naafada Xoogga Dalka oo sida ay sheegeen ku dhaawacmay halganka dalka intii ay ku jireen.

Mudaaharaadka ay dhigayeen naafada Xoogga Dalka iyo askarta kale ayaa ku faafay afaafka hore ee madaxtooyada Villa Soomaaliya iyadoo la arkayey naafada ka tirsanaa jirtay ciidamada oo iyagoo saaran  kuraasta dadka curyaamiinta lagu riixo oo xirtay wadada gasha madaxtooyada oo ay qadar hakiyeen isu socodka gaadiidka mara wadada.

Xubno u hadlay askartan mudaaharaadka sameysay oo saxaafada u waramay ayaa ku cawday in si xaqdarro ah looga ceyriyey shaqada ciidamada, waxayna qaarkood sheegayeen in iyagoo ku sugan goobaha difaacyada ah laga soo saaray shaqada.

Dibadbaxan ayaa soo dhamaaday kadib markii guddi ay iska dhex saareen naafada Xooga Dalka iyo askarta la ruqseeyay ee cabanaysay ay la kulmeen guddiga difaaca ee baarlamaanka federaalka oo ay sheegeen in cabashadooda ay kala hadlayaan.