Skip to content

Askar iyo Saraakiil Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Gedo.

Storyline:Archive, Science & Tech

Ugu yaraan 5 Askari Itoobiyaan ah ayaa dhimatay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ciidanka Itoobiya lagu weeraray duleedka degmada Garbahaarey.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus oo saacado badan qaatay uu shalay gelinkii dambe ka dhacay Tuulo Barwaaqo ee duleedka Garbahaarey.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid kadib markii ciidanka Muslimiinta ay wadada ugaleen kolonyo ciidan Itoobiyaan ah oo dhanka Beled Xaawo ka yimid kunasii jeeday Garbahaarey.

Wariyaal ku sugan Gedo ayaa soo sheegay in dagaalkii shalay lagu dilay 5 askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal miina baaris ah,boqolaal katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa shalay kasoo dhaqaaqay Beled Xaawo waxayna kusii qulqulayaan Garbahaarey.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Amxaarada oo ku jabay dagaalkii Tuulo Barwaaqo ay meydad iyo dhaawacyo geysteen saldhigga Melleteri oo ay ku leeyihiin Garbahaarey.