Skip to content

Axmed Madoobe oo taageeray mid kamid ah Shirarka kasocda Baydhabo ee lagu dhisayo Maamulka Koonfur Galbeed

Storyline:Archive, Science & Tech

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa taageeray mid kamid ah Shirarka kasocda Magaalada Kismaayo ee lagu doonayo in lagu dhiso Maamul Goboleed loogu magacdaray Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu taageersanyahay soona dhaweenayo Shirka Maamulka loogu sameenayo Sadaxda Gobol ee Baay , Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kaa oo hada kasocda Magaalada Baydhabo .

” Waxaan Bogaadinayaa aadna usoo dhaweenayaa Shirka lagu dhisayo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban Sadaxda Gobol , waxaan sidoo kale u hambalyeenayaa Ergayda ku guuleesatay ansixinta Dastuurka uu yeelanayo Maamulkaasi” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa horey u sheegay in uu kasoo horjeedo Shir kale oo kasocda Magaalada Baydhabo, kaa oo lagu dhisayo Maamul Goboleed ka kooban Lix Gobol ay ku jiraan Sadaxda Gobolka uu ka kooban yahay maamulka uu madaxda ka yahay ee Jubba.

Magaalada Baydhabo waxaa hada kasocda Labo Shir oo iska soo horjeeda kuwaa oo lagu dhisayo Maamul Goboleed ka kooban Lix Gobol iyo mid kale oo isna ka kooban Sadax gobol , waxaana Dhisida Maamulada isdiidan wada Siyaasiyiin iyo Xildhibaano kasoo jeeda Goboladaasi.