Skip to content

Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay xukuumadda cusub

Storyline:Archive, Science & Tech

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa daqiiqado ka hor siiyay codka kalsoonida xukuumadda uu soo dhisay r/wasare C/weli SHeekh Axmed.

Kulankan kalsoonida lagu siiyay xukuumadda ayaa waxaa shir gudoominayay gud. baarlamaanka Prof, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana soo xaadiray mudanayaal tiradooda gaarayaan 234.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 186 mudane ay ogolaatay Xukuumadda cusub, halka ay ka soo horjeesteen 46 mudane, waxaana ka aamusay hal mudane, sidaasi ayuuna ku sheegay in Xukuumaddu ay ansax tahay.