Skip to content

Baarlamaanka Soomaaliya oo Warqado Digniin ah u diraya Labo Wasiir oo katirsan Xukuumada Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliy oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa wax iska weediiyay sababta labo kamid ah Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo baarlamaanka horey ugu yeereen ilaa wali aysan u hor imaan Baarlamaanka .

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa Baarlamaanka ka hor sheegay in Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ay dhoor mar ka baaqsadeen in ay hor yimaadaan Baarlamaanka si su’aalo weediiyo.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Warqado Canaan ah u dirayaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo ka baaqsaday in uu Baarlamaanka hor yimaado labo jeer oo laga sugayay.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa 1-dii iyo 6-dii bishan laga sugayay in uu horyimaado Baarlamaanka balse uu ka baaqsaday labadaas mar in uu Horymaado Baarlamaanka , waxa uuna tilmaamay in Wasiirka uu safar dibada ah ku maqan yahay balse taasi aysan mar marsiiyo noqoneyn.

Sidoo kale Wasiirka amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isna ka baaqsaday in uu hor tago Baarlamaanka Soomaaliya , waxaana soo baxaya in Wasiirka uu arimo caafimaad ugu maqan yahay Dalka dibadiisa , waxaa isna mar kale loo qabtay in uu Baarlamaanka ko hor yimaado 12-ka Bishan April.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ku hanjabeen in tilaabo laga qaadi doono Wasiirada looga yeero Baarlamaanka ee ka dhaga adeega in ay hor yimaadaan Baarlamaanka Soomaaliya .