Skip to content

Ban Ki-moon oo ka tacsiyeeyey geerida haweenay Soomaaliyed oo ku dhimatay qarax ka dhacay Kabul

Storyline:Archive, Science & Tech

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa looga tacsiyeey allaha u naxariste Basro Faarax Xassan, oo ahaayd haweenay Soomaaliyed taaso ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

Rabbi ha u raxmadee Basra,waxay haysatay dhalashada dalka Maraykanka,waxaana ay ka shaqeynaysay hay’adda UNICEF,iyadoona si gaar ah hay’adda ugu qaabilsaneyd qeybta nafaqaynta.

Haweenayda Soomaaliyed waxaa ay qeyb ka ahaayd 20 ruux oo ku geeryotay qarax ka dhex dhacay maqaayad ay leeyihiin dad Lubnaanes oo ku taallay goob ammaankeeda aad loo adkeeyo ee magaalada Kabul.

Ban ki Moon,ayaa war-saxaafadeed uu ka soo saaray geerida gabadhaan,waxaa lugu sheegay inuu xanuunka iyo muruguda uu la wadaagayo ehelada shaqaalihii Qaramada Midoobay ka tirsanaa ee ku geeriyooday qaraxa Kabul ka dhacay si gaar ah waxaa uu carabka ugu dhuftay haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Basro Faarax Xassan oo u shaqaynaysay hay’adda Q,M ee UNICEF.

“Waxaa uu ahaa qarax xanuun badnaa oo argagax leh waxaan doonayaa inaan tacsi u diro ehelada shaqaalaha Q,M ka tirsanaa ee qaraxa ku naf waayay iyo dadkii kale eek u waxyeeloobay si gaar ah eheladda Basra Faarax Xasan oo aheyd shaqsi dadaal badan” ayuu yiri Ban ki Moon”.
Basro Faarax Xassan,waxaan ay la dhalatay qoraaga Soomaaliyed ee Nuraddin Farah.