Skip to content

Barre Hiiraale oo Hanjabaad Culus hawada soo marsiiyay kana hadlay Safarkii R/Wasaaraha uu ku tagay Kismaayo

Storyline:Archive, Science & Tech

Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo dagaal looga saaay Magaalada Kismaayo isaga iyo ciidamo uu wato, ayaa mar kale ku hanjabay in uu dagaal la gali doono Maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ,kuwaa uu ku eedeeyay in dhibaatooyin ka wadaan Magaalada Kismaayo.

Wareysi uu Barre Hiiraale siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayuu ku sheegay in Magaalada Kismaayo ay ka taagan tahay dhibaato xoogan , waxa uuna ku eedeeyay Ciidamada Magaaladaasi maamula in dil ,dhac iyo dhibaatooyin badan u geestaan Shacabka ku dhaqan Magaaladaasi.

‘’ Dadka Kismaayo jooga Dhibaatooyin xoogan ayaa lagu hayaa , wey nala soo xariiraan mar kasta oo dil , Kufsi ,Dhac iyo dhibaatooyin kale loo geesto , waxaana shacabkaasi ku jiraan dhibaatooyin ay ku hayaan Kooxda meeshaasi heesata’’ ayuu yiro Barre Hiiralae.

Dhinaca Kale Col.Barre Hiiraale ayaa sheegay in uusan wax wada hadal ah la galli Doonin Maamulka Kismaayo ka jira , waxa uuna tilmaamay in uusan aqoon saneyn wax la yiraahdo Maamulka Jubba oo ka arimiya Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Col.Barre Hiiraale ayaa nasiib daro aad u weyn ku tilmaamay safarka uu R/Wasaaraha Soomaaliya ku tagay Magaalada Kismaayo , waxa uuna tilmaamay in R/Wasaaraha in uu marti u noqday Koox Kismaayo xoog ku heesata dadkana ku leysa.

Hadalka kasoo yeeray Col. Barre Hiiraale oo hada kusugan Duleedka Kismaayo ayaa imaanaya xili ay guul daro kusoo dhamaatay waan waan isaga iyo Maamulka Jubba laga dhax waday , waxa uuna Barre Hiiraale ku hanjabay in uu mar kale dagaal la gali doono Maamulka Jubba.