Skip to content

Booliiska Kenya oo soo bandhigay Calan u eg kan Shabaab oo ka surnaa masjid kuyaala Dalkaasi

Storyline:Archive, Science & Tech

Booliiska Dalka Kenya ayaa soo bandhigay Calan u eg midka dagaalyahanada xarakada Al-Shabaab oo la suray masjid Mussa kuyaala Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya, halkaas oo maalmo kahor ay ka dhaceen rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliiska Dalka Kenya ayaa sheegay in Masjidka Mussa oo maalintii Axadii rabshadaha ka dhaceen uu surnaa Calanka Madow ee caanka ku yihiin Xarakada AL-Shabaab oo qeyb ka ah Urur weynaha Al-Qaacida.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Masjidka rabshadaha ay ka dhaceen maalintii Axada la doonayay in lagu qoro dhalinyaro Al-Shabaab u dagaalanta, waxaa kale uu xusay in gudaha Masjidka Ciidanka looga soo riday Rasaas.

Dad kor u dhaafaya 100-qof oo u badnaa dhalinyaro Maalintii axada loo xiray rabshado ka dhacay Masjid kuyaala Magaalada Mombasa ayaa waxaa lasoo taagay maxkamad kuwaa oo lagu eedeeyay in xariir kala dhaxeeyo Al-Shabaab.

Dad kamid ahaa Jamaacada Majidka ay rabshaduhu ka dhaceen ayaa sheegay in aysan jirin warka sheegaya in Dhalinyaro dagaalanta Masjidka lagu qorayay, hasa ahaatee waxa ay xuseen in qurshuhu ahaa in halkaasi lagu qabto Muxaadaro Jihaadka ka hadlaysay.

Rabshadaha ka dhacay Maalintii Axada Masjidka Mussa ee kuyaala Magaalada Mombasa waxaa ku dhintay labo kamid ah Ciidamada Booliiska Kenya iyo qof kale oo rayid ah , Ciidamada ayaana xabsiga dhigay in kabadan boqol qof oo u badnaa dhalinyaro Masjidka laga xir xiray.