Skip to content

Booliska Soomaaliya iyo Uganda oo iska garabsiinaya dagaalka ay kula jiraan argagixisada

Booliska Soomaaliya iyo Uganda,ayaa heshiis buuxa ka gaaray la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Labada dal ayaa heshiis ku kala saxiixdey inay gacan buuxa iska siin doonan sidii ay ula dagaallami lahaayeen kooxaha xiriirka la leh dagaalyanahana ka soo horjeeda dowladdahaas,waxaana qeyb ka ah kooxaha xilligaan la iska kaashanayo in lala dagaallamo ururka Al Shabaab oo xiriir la leh urur weynaha Al-Qaacida.

Taliyaasha labada dal ayaa maanta waxaa ay qalinka ku duugen heshiis dhigaya inay iska garab siiyaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Heshiiska labada dal waxaa uu ka dhacay magaalada caasumada ah ee Kampala,waxaana hadal ay saxaafadda siiyen saraakishu ay sheegen in heshiiskan uu yahay mid waxbadan ka badalaya dagalka ay kugula jiraan argagixisada.

Sidoo kale heshiiska ay kala saxiixen Cabdixakiin Daahir Saacid oo ah taliyaha booliska Soomaaliya iyo Kale Kayihuru taliyaha booliska Uganda,waxaa uu dhigaya in dowladda Uganda ay tababareyaal u dirto Soomaaliya, si kor loogu qaado xirfada iyo aqoonta booliska Soomaaliya.

Labada dal waa Soomaaliya iyo Uganda,heshiiskan sidoo kale waxaa uu u furaya inay is waydarsadaan xogaha sirdoonka,iyo haddii labada dal uu mid wax ka ogaado qatar midka kale u wajahan.

Jeneraal Abdihakim Daahir Saacid oo ah taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa hadal uu saxaafadda siiyey ka gadal markii heshiiskan uu saxiixay waxaa uu caddeyey in Soomaaliya ay baahi u qabtay taageero farsamo, si loo dhiso awoodda qeybaha dembi-baarista iyo la-dagaalanka argagixisada oo uu sheegay inay ku burbureen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Sidoo kale waxaa isna dhankiisa heshiiskan ka hadlay taliyaha booliska Uganda, Kale kayihuru,waxaana uu sheegay in booliska Soomaaliya iyo kuwa dalkiisa ay wadaagi doonaan xog kasta oo lagula dagaallamayo aragagixisada iyo fal-dambiyeedyada labada dal, taas oo uu tilmaamay inay qeyb ka tahay wada-shaqeynta ururka madaxda booliska Bariga Afrika.