Skip to content

Cali Calasow Xasan oo cadaadis badan kadib manta ku qasbanaaday in uu Xilka Wareejiyo

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa Maanta Munaasabad balaaran oo ay ka qeyb galeen Xubnaha ugu sareeya Maamulka Gobolka Banaadir uu xilka ku wareejinayay Gudoomiyihii hore ee Degmada Kaaraan ka dhacday Xarunta Degmadaasi.

Munaasabada uu xilka ku wareejinayay Gudoomiyihii hore ee Degmada Kaaraan waxaa kasoo qeyb galay oo goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudisho Jen.Xasan muungaab iyo saraakiil kale oo katirsan Maamulka Gobolka.

Munaasabada Maanta ka dhacday Degmada Kaaraan waxaa ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Degmadaasi Cali Calasow Xasan , waxa uuna sheegay intii uu Maamulka Degmadasai hayay waxbdan ka qabtay Degmada , waxa uuan ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub.

Gudoomiyaha Cusub Degmada Kaaraan ee manta xilka la wareegay Axmed Xasan Yalaxow ayaa isna sheegay in Maamulkiisa oo kaashanaya shacabka degmada uu wax badan ka qaban doono xaalada amaanka , waxa uuan xusay in uu xooga saari doono la dagaalanka Ciidanka Dareeska Dowlada ku labisan ee dadka dhibaateeya.

Ugu dambeyn waxaa Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen Xasan Muungaab , waxa uuna shacabka u sheegay in maamulkiisa uu ka badalan yahay kuwii hore , maamulka uu hada Gudoomiyaha ka yahayna ay garab taaganyihiin sida uu xusay Ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad Sugida .

Gudoomiyihii hore ee Degmada Karaaan Cali Calasow Xasan ayaa manta ku qasbadaanay in uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyo Gudoomiyaha Cuub ee Degmadaasi loo soo magacaabay , kadib cadaadis xoogan oo kaga yimid Maamulka Gobolka Banaadir .

Ciidamo katirsan Booliiska iyo Nabad Sugida ayaa saakay la geeyay Degmada Kaaraan kuwaa oo ku qasbay Gudoomiyihii hore ee Degmadaasi in xilka si nabad galyo ah ku wareejiyo hadii kale tilaabo laga qaadi doono, waxaana wada hadal kadib uu ogolaaday Gudoomiyihii hore in uu xilka Wareejiyo.