Skip to content

Ciidamada dowladda oo la sheegay inay la wareegen deeganno ka tirsan Shabeellaha hoose

Storyline:Archive, Science & Tech

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen deegaanno ka tirsan Shabeellaha hoose,sida waxaa sheegay saraakil ciidanka ka tirsan.

Saraakishu waxaa ay sheegen inay la wareegen deegaanka Gendershe oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose, halkaaso ay horrey uga arrimin jireen Ururka Al Shabaab.

Ciidamada ayaa la sheegay inay weerar xooggan ku qaaden deegaanno dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Waxaa la sheegay ciidamada weerarka qaaday,inuu hoggaaminayey Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Jen:C/risaaq Khaliif Cilmi iyo wasiir ku-xigeenka wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

Weerarkaan waxaa ciidamada dowladda garab Millitari ku siinayey ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya AMISOM ee howlgalka Millateri dalka ka wada.

Jen:C/risaaq Khaliif Cilmi  ayaa hadal uu gor dhaweyd siinayey raadiyaha afka dowladda ku hadla waxaa uu sheegay inay xilligaan ay ku suganyihiin deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose halkaaso uu sheegay inay kala wareegen Al Shabaab,waxaana uu inta ku daray in ciidamadu ay la wareegen deegaannka Genedershe.

Deegaannka cusub ee ay ciidamada dowladda gaaren waxaa ku sugan wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya iyo saraakil kale.

Lawareegida deegaannadan ka tirsan Shabeellaha hoose,waxaa la sheegay inay qeyb ka tahay howlgalladi madaxda sare ee dowladda ay sheegen in la qaadi doonno,waxaana horrey madaxweynaha iyo raysal wasaaruhuba si isku mid ah ay u sheegen in sannadkan uu yahay sannadkii Al Shabaab dalka laga saari lahaa.