Skip to content

Ciidamada Itoobiya oo isku diyaarinaya duulaano ay Al-Shabaab kaga saarayaan Gobolada Baay iyo Bakool

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi si weyn looga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray howlgalka AMISOM.

Ciidamo Itoobiyaan ah aadna u hubeesan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay soo buux dhaafiyeen Magaalada Byadhabo, kuwaa oo duulaan ku ah Degmooyin iyo deegaano katirsan Gobolada Baay iyo Bakool sida laga soo xigtay Saraakiil katirsan Dowlada.

Goobaha ay weerarka ku yihiin Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada oo isgarabsanaya ayaa kamid ah Degmooyinka Xudur iyo Diinsoor oo ka kala tirsan Gobolada Baay iyo Bakool halkaa ay gacanta ku hayaan Dagaalyahnaada Al-Shabaab.

Goob joogayaal kusugan Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata dabaabaadka Dagaalka aadna u badan ay ka gudbeen Magaalada Baydhabo ayna afka aadiyeen Deegaanon iyo Degmooyin Al-Shabaab ka maamulaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Deegaanada iyo Degmooyinka Al-Shabaab gacanta ku hayaan ayaa si weyn looga dareemayaa dhaq dhaqaaqyada ciidan ay wadaan Ciidamada Itoobiya , waxaana lagu soo waramayaa in Al-Shabaab naftooda kujiraan diyaar garow Dagaal.

Ciidaada Itoobiya ee dhawaan ku biiray Howlgalka AMISOM ayaa loo xil saaray in Gobolada Baay iyo Bakool Al-Shabaab ka saaraan , waxa ayna arintan qeyb ka tahay istaraatiijiyad Dagaal ay Dowlada iyo AMISOM dajiyeen oo lagu doonayo in Al-Shabaab sanadkan Dalka looga saaro.