Skip to content

Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya oo maanta lagu wareejiyay Gaadiid dagaal iyo Agab ciidan

Storyline:Archive, Science & Tech

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Deeq ka kooban gaadiid iyo darees Ciidan waxa ay ku wareejisay Hay’ada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya, kadib munaasabad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Munaasabada Deeqda lagu gudoonsiinayay Hay’ada Nabad Sugida ,waxaa kasoo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya Jen. Bashiir Goobe iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Gaadiidka Maanta Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida lagu wareejiyay ayaa ka koobnaa ilaa 10-gaari oo nuuca Cabdi Bilaha loo yaqaan iyo sidoo kale dareeska Ciidanka Nabad Sugida ku labistaan oo dhameestiran.

Safiirka Imaaradka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Maxamed Al-Osmaan ,ayaa sheegay in dowladda isu tagga Imaraadka Carabta ay sii wadi doonto taageerada ay siinayso dowladda federaalka Soomaaliya , deeqaana ay tahay mid hor dhac ah.

Jen Bashiir Goobe Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida ayaa uga mahad celiyay deeqdan manta ay ka heleen Dowlada Imaaraadka Carabta , waxa uuna tilmaamay in Gaadiidkan iyo agabka kale ee la siiyay ku howl gali doonaan Ciidanka Nabad Sugida.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa marar kala duwan deeqo ka kooban gaadiid iyo qalab milatari waxa ay ka heshay Dowlado saaxiib la ah Soomaaliya , kuwaa oo balan qaaday in gacan ka geesanayaan dib u dhis Ciidanka Soomaaliyeed.