Skip to content

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo weerarray degmada Buurdhuubo

Storyline:Archive, Science & Tech

Ciidamo ka tirsan xarakadda Al-shabaab oo la-dagaallanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ee AMISOM,ayaa weerarray xalay degmada Buurdhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo,waxaana halka saldhigyo ku leh ciidamada huwanta ah.

Mas’uul ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay weerarka Al-shabaab xalay ay ku qaadeen Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo, isaga oo sheegay in wax dhibaato ah aysan kasoo gaarin weerarkaasi ciidanka Dowladda.

Sargalka u hadlayey ciidamada dowladda,waxaa uu sidoo kale sheegay in duleedka degmada Buurdhuubo ay yimaadeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab, halkaasina ay isku farasaareen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciidamadu waxaa ay weerarkan ku sheegay inuusan wax u dhimi karin howlgallada ka socda gobollada koonfur-galbeed dalka ee la doonayo in Al-shababa looga saaro,waxaana xilligan inta badan gobollada Gedo iyo Bakool gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Waxba lagama oga khasaaraha ka dhashey weerarka ay soo qaaden dagal-yahannada ka tirsan Al-shabaab,waxaana la sheegay inay bartilmaamedkooda uu ahaa saldhiga ay duledka degmada ku lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli inta badan gobollada dalka ay ka baxayan Al-shabaab,waxaana jirta inay wali socdan howlgalladi ay wadeen ciidamada isbahaysanaya.