Skip to content

Daawo Sawirada :Dowladaha Soomaaliya iyo Burundi oo isla gartay iskaashi dhinacyo badan leh.

Storyline:Archive, Science & Tech

War murtiyeed si wadajir ah u soo saareen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo dhiggiisa dalka Burundi H.E. Laurent Kavakure ayaa lagu faah-faahiyay isfaham labada dowladood dhexmaray kadib booqasho seddex cisho ah qaadatay oo uu Muqdisho ku joogay wafdiga ka socda dowladda Burundi oo garoonka Muqdisho uu ku sii sagootiyay gelinkii hore ee maanta Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza.

War murtiyeedka oo uu saxaafadda u aqriyay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Bujumbura – Burundi Ambassador Abshir Hassan Abshir Farah ayaa waxaa lagu sheegay in labada dowladood ay isla garteen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda , nabad gelyada iyo maalgeshiga .

Waxaa kale oo labada dowladood ay isla garteen dhisidda guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo dowladda Burundi ay dhowaan ka furan doonto Caasimadda Muqdisho safaarad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi H.E. Laurent Kavakure ayaa ku cazuumay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh inuu booqasho rasmiya ah ku yimaado Magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celisay dowladda iyo shacabka Burundi ciidamada nabad ilaalineed ee ay ku tabaruceen howlgalka nabad ilaalinta (AMISOM) , iyadoo ciidamada Burundi ay kaalin muuqata ku leeyihiin xasilinta ammaanka dalka , taasoo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aaney marnaba iloobi doonin dhiiga walaalnimo ee Burundi ay u daadisay howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

 

???????????????????????????????

 

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????