Skip to content

Daawo Sawirada ” Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo maanta Ansxiyay Hindise Sharciyeed Muhiim ah

Storyline:Archive, Science & Tech

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan uu yeeshay Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu ansixinayey hindisi sharciyadeedka Tariifada Canshuuraha Berriga.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Ferderaalka ee Soomaaliya, ayaa kaddib dood ay yeesheen waxa ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen hindise-sharciyadeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyaddu, waxana la filayaa in tallaabadan ay wax ka tari doonto dadaalka Xukuumadda Soomaaliya ee kor-u-qaadista dakhliga Dowladda si adeeggaasi loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Canshuuraha berriga ee ay qaaddo dowladdu ayaa u qaybsama laba qaybood oo kala ah canshuuraha toosan iyo kuwa dadban.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in si loo taabbageliyo dowladnimad Soomaaliya loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

“Dakhligu ahmiyad weyn ayuu u leeyahay dowladda iyo dadaalkeeda ku aaddan soo celinta amniga, si dakhligeenu u kordho, dadkana loo gaarsiiyo adeeg bulsho waxaa looga baahan yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuuraha “ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaa raaciyay “Sanadkan 2014, dowladdu waxa ay muhiimadda kowaad siineysaa 3 arrimood oo kala ah amni, dakhliga iyo hay’do dowladeed oo shaqaynaya. Dakhliga dowladda oo kordha waxa ay keeneysaa adeegyo bulsho”