Skip to content

Daawo Sawirada Madaxweynaha Somalia oo waraaqihii aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirka Boqortooyada ..

Storyline:Archive, Science & Tech

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Saudi Arabia. Saudi Arabia iyo Somalia waxey leeyihiin xiriir soo jireen ah.

Safiirka cusub Mudane Garam Bin Said Bin Garam Almulhan ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey Madaxweynaha Somalia. Waxaana goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdiraxman Ducaale Bayleh. Safiirka Saudi Arabia ayaa yiri “ Saudi Arabia waxaa ka go’an inay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxaana ka taageeri doonaa Somalia dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib u dhiska Somalia.”

Madaxweynaha ayaa yiri “Wallaalaheen Sacuudiga waa saaxiibo in muddo ah taageero noo fidinayey oo sii xoojineysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxeyna naga taageeraan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo oo ceelal fara badan ay ka hirgeliyeen Somalia oo shacabku aad baahi ugu qabo”

Madaxweynaha oo hadalkiisa wata ayaa yiri “Boqortooyada Sacuudiga waxaan kaloo iska kaashanaa la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah iyo sidii loo saxi lahaa fikirka qaldan ee kooxaha argagaxisada. Wasiirkeenna Gaashaandhiga baa dhowaan booqday Sacuudiga oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga oo ay isku afgarteen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaaen dhanka amniga, xasilinta iyo dib u dhiska dalka.”

Safiirka Sacuudiga ayaa dhambaal uu ka siday Boqorka Sacuudiga Boqor Abdallah Bin Abdulaziz Al Saud u gudbiyey Madaxweynaha Somalia.

Dhambaalkaas oo ahaa in Sacuudigu sii xoojin doono xiriirka taaariikhiga ah ee labada dal. Ugu danbeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Safiirka Sacuudiga ayaa shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta madaxtooyada.

sacuudi_3

sacuudi_4

sacuudi_5

sacuudi_2

sacuudi_1