Skip to content

Daawo Sawirada Qaabka uu u dhacay Kulan Casho Sharaf ay qaateen Ra’izul Wasaaraha iyo Ganacsatada Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa xalay kulano casho la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Imaaraadka Carabta.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale kala qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta iyo Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Dubai, waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd sidii Ra’iisul Wasaaruhu u dhegeysan lahaa talada iyo aragtida ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay ganacsade Shariif Axmed oo ah guddoomiyaha ganacsatada Imaaraadka Carabta, wuxuuna xusay isaga oo ku hadlaya magaca ganacsatada Soomaaliyeed inuu soo dhoweynayo casuumaada cashada ah ee Ra’iisul Wasaaruhu u fidiyay, wuxuuna dhanka kale xusay in ganacsatada Imaaraadku ay yihiin ganacsato mar kastaba taageerta dawladda isla markaana ka qeyb qaata wixii taakulo ah oo dalka loo fidinayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn warbixin dheer ka siiyay ganacsatada xaaladdaha dalka, wuxuuna ku dhiirageliyay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo xasillinta dalka, si ay u suurtagasho inay maalgashi ballaaran ku sameeyaan dalka, isaga oo dhanka kalena xusay in ganacsatada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay yihiin rajada dalka.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad dowrkiina ka qaadataan dib u dhiska iyo xasillinta dalka, guushuna waa soo dhowdahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay inay dhiirageliso una fududeyso ganacsatada sidii ay dalka u maalgashan lahaayeen.

Kulankan oo aad u dheeraa ayaa waxay ganacsatadu su’aalo toos ah weydiiyeen ganacsatadu Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirada kale, waxayna aad u soo dhoweeyeen in kulamada noocan oo kale ah ay abuurayaan kalsooni badan oo la siiyo dawladda iyo hogaankeeda.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ganacsatada ayaa soo gudbiyay cabasho ku aadan helida Viisaha dalka Imaaraadka Carabta iyo deganaanshaha, taasoo wal wal badan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan, maadaama ay waayeen xaquuq badan oo dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo ku noolaanshaha dalkan.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa u balan qaaday ganacsatada inuu u gudbin doono cabashooda madaxda dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana ugu dambeyntii la dhisay guddi ka kooban dawladda iyo ganacsatada Imaaraadka, si loo sii ambaqaado wada shaqeynta labada dhinac.

gan_3

gan_2

gan_4

gan_5

gan_6