Skip to content

Daawo Sawirada Sheekh Axmed Madoobe oo ku guuleestay in uu kala fur furo Xubnihii Mucaaradka ku ahaa Maamulkiisa

Storyline:Archive, Science & Tech

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku guuleestay in uu kala fur furo xubnihii kasoo horjeeday Maamulkiisa ee kula dagaalamay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Sheekh Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa Magaalada Muqdisho ayaa ku guuleestay in uu kala furfuro siyaasiyiintii kasoo horjeeday, waxa uuna maalintii shalay Kismaayo ku laabtay isaga oo ay lasocdaan xubno mucaarad ku ahaa Maamulkiisa dagaalna kula galay Magaalada Kismaayo.

Xubnaha hada taageeray Maamulka Sheekh Axmed Madoobe ee gaaray Magaalada Kismaayo ayaa kala ah Iftin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaley Xuseen , labadan Nin ayaana kamid ahaa Xubnihii horey u sheegtay in ay yihiin Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay safarkii uu ku tagay Magaalada Muqdisho uu kasoo faa’iiday waxyaabo badan , waxa uuna tilmaamay in Xubno Mucaarad horey ugu ahaa maamulkiisa ay hada kusoo wada laabteen Magaalada Kismaayo lagana heshiiyay waxii horey u dhacay.

Cabdi Baaleey Xuseen oo isna Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in Mudo Kadib Kismaayo ugu soo laabteen sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabada iyo Hor marka Gobolada Jubooyinka , waxa uuna ugu baaqay Xubnaha kale ee Mucaaradka ku ah Maamulka Jubba in ay nabada qaataan kana shaqeeyaan Hormarka Gobolka.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa ku guuleestay in uu kala fur furo lana heshiiyo Xubno badan oo kasoo horjeeday Maamulkiisa , waxaana wali jira xubno uu ugu magac dheer yahay Barre Hiiraale oo wali kasoo horjeeda Maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

maayo_2

maayo_3

maayo_4

maayo_5

maayo_6

maayo_7