Skip to content

Dowlada Soomaaliya oo Digniin culus u dirtay Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka………

Storyline:Archive, Science & Tech

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa cambaareeyey Xarakada Al-Shabaab dhawaaqidii ay ku sheegeen inay xanibayaan adeegyada internetka oo shacabku isticmaalo.

Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxey sida ugu adag u cambaareyneysaa falkan oo tusineysa sida kooxaha argagaxisada ah ay argagax ugu ridayaan shacabka oo ay ka hor istaagayaan isticmaalka internetka. Dastuurkeena ayaa qoraya xoriyadda hadalka ay lama taabtaan tahay, oo shacabku ay xaq u leeyihiin ay macluumaadka iyo wararka ku helaan iyadoon la cabsi gelineynin.”

“Al-Shabaab waxaa laga qabsaday magaalooyinka intooda badan waxeyna ku soo urureen inay hanjabaado iyo argagax geliyaan shacabka oo ay hadda rabaan inay ka mamnuucaan internetka. Al-Shabaab haddey doonayaan inay falal dambiyo caalami ah ay ka fuliyaan dalka, dowladdu waxey leedahay mala aqbali karo in kooxaha argagaxisada ay fursad ka helaan ay dalka gudihiisa ku fuliyaan danbiyo caalami ah. Sidaas daraadeed, sida ugu adag ayaan uga soo horjeednaa falkan guracan, wararka noocan ahna waxey nagu sii dhiirigelineysaa inaan xoojinno dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah.”

Shacabku waxey u isticmaalaan internet ka inay wax ka bartaan, isla markaana ay kula xiriiraan eheladooda caalamka kala jooga iyo inay aqbaarta caalamka ka helaan. Ma aqbali karno in shacabkayaga laga joojiyo internetka oo muhiim u ah.

Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxey la shaqeyndoontaa dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta si loo hubiyo inay adeegyada internetka iyo howlaha isgaarsiinta ay gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed. Shirkadaha Isgaarsiinta waxaan uga digeynaa inay la shaqeeyaan kooxaha argagaxisada ah oo ay awaamiirtooda dhageystaan. “

Warbaahinta Soomaaliyeed waxaa mas’uuliyadi ka saarantahay inaysan borobogaandada argagaxisada fuliyaan. Warbaahintu waa inay u istaagtaa danaha shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan adeegyada warbaahineed iyo internetka oo ah xuquuq ay shacabku leeyihiin. Warbaahintu waa inaysan kaalmeynin argagaxisada, waxaan ka fileynaa warbaahintu inay noqdaan codkii shacabka oo aysan noqon codka argagaxisada.

Sidaas daraadeed, waxaan ku boorineynaa shirkadaha Isgaarsiinta, inaysan aqbalin awaamiirta iyo hanjabaadaha kooxaha argagaxisada, oo aysan ka joojin shacabka adeegyada internetka oo muhiim u ah shacabka. Shirkadii lagu helo inay taageereyso kooxaha argagaxisada ah waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Shacabkayaga cadowga kaliya ay leeyihiin waa kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab, Sidaas daraadeed, waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay inaan shacabka ka badbaadino hanjabaadaha ka imanay kooxaha argagaxisada.

Istraatejiyada Al-Shabaab ayaa ah in shacabka la aamusiyo isla markaana ay baad ka qaataan shirkadaha Isgaarsiinta si ay u helaan dhaqaalaha ay aadka ugu baahanyihiin. Dowladdu way xoojineysaa dagaalka lagula jira kooxahan, waqtigoodana wax yar baa ka haray inta laga sifeynayo dalka oo dhan.