Skip to content

Dibad bax balaaran ay ka qeyb galeen Madax katirsan Dowlada oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qaybgalay banaan-bax lagu taageerayo nabadda, loogana soo horjeedo falalka ammaan darada ee lagu carqaladaynayaan nabadda iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Banaan-baxan oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaarada Haweenka, Ururka Haweenka Qaranka, ayaa ka dhacay fagaaraha Beerta Xoriyada ayaa waxaa farriin cad loogu dirayey kooxaha falalka amni ka wada dalka, iyadoo dadkii ka soo qaybgalay ee koobnaa mas’uuliyiinta golayaasha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay caddeeyeen in weerarada Al-Shabab aanay waxba ka bedelayn go’aan dadka Soomaaliyeed ay ku doonayaan nabadda iyo horumarka.

Wasiirka Haweenka iyo Qoyska Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa khudbad gaaban oo ay halkaasi ka jeedisay waxay sheegtay in shucuurta dadweynaha Muqdisho ay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin falalka Al-Shabaab ay ka geysaneyso magaalada Muqdisho.

“Dadweynaha Muqdisho oo kaashanaya Dowladooda waxay maanta diyaar u yihiin inay kahor tagaan kooxaha kahorjeeda jiritaankooda” ayay tiri Wasiirada Haweenka iyo horumarinta Qoyska oo ku ammaanay sida dadweynaha Muqdisho uga go’an tahay la dagaalanka cadowgooda.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tiri “Haweenka Soomaaliyeed wax cabsi ah kama qabaan dhimsahada, nafta ayey u hurayaan dalkooda si loo helo nabad buuxda, loona soo celiyo karaamadii ummmadda Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha oo isna khudbad ka jeediyay banaan baxa ayaa sheegay in xukuumada ay garab istaageyso shacabka Soomaaliyeed ee u heelan dowladnimada iyo horumarka dalka.

“Waxaad muujiseen geesinimo iyo sida aad diyaar ugu tihiin inaad iska difaacdaan argagaxisada bahalka ah ee doonaya in ay damiyaan iftiinka nabadda. Kooxdan lunsan waxa ay dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ku beegsanayaan masaajidda. Xukuumaddu waa idin garab istaagaysaa xilligan aynu ku jirno halganka aynu dib ugu xaqiijinayno dowladnimadeena” sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiwali u sheegay banana-baxayaasha oo xamaasad iyo wadaninimo ka muuqatay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay weligood ahaayeen horseed, isagoo xusay inay doonayaan in ay maantana horseed ka noqotaan is-bedelka iyo halgankan, banaan-baxan waxa uu astaan iyo bilow u yahay is-bedelka caasimadda iyo Dalka

Ugu dambeyn dadweynaha isaga kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana dibad baxan uu ku soo beegmay, xilli maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab muqdisho ka geysaneysa weeraro kala duwan oo ugu weynaa weerarkii jimcihii lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada.