Skip to content

Dibad Bax Cabasho ah oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho!!!

Waxaa Maanta Isgooska Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho ka dhacay dibad bax balaaran oo ay dhigayeen gaadiidleyda iyo Darawalada ka shaqeeya Gobolka Shabeelaha hoose.

Gaadiidleyda ka shaqeysa inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ayaa dibad baxooda waxa ay kaga cabanaayeen isbaarooyin bilqan ah oo maalimihii lasoo dhaafay lasoo dhigay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Dibad baxa ay maanta dhigeen gaadiidleyda ka shaqeeya Gobolda Banaadir iyo Gobolka Sh/Hoose ayaa kaga cabanaya isbaarooyin dadka iyo gaadiidka lagu dhibaateeyo ay dhigteen meelo badan oo kamid ah Goblka Sh/Hoose Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Gaadiidleyda maanta dhigayay dibad baxa ayaa gawaaridooda safay Ex-Control Afgooye iyagoona halkaasi ku shaaciyay in ay joojiyeen Shaqadii ay hayeen ilaa laga xalinayo Isbaarooyinka u yaala Ciidanka Dowlada ee dadka lagu dhibaateeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey u amray in wax isbaaro ah aan lasoo dhigi karin deegaanada ay kataliso Dowlada Soomaaliya waxa uuna amray in la toogto askarigii la arko isaga oo isbaaro qaadaya, hasa ahaatee waxaa hada muuqda in amarkaasi uusan ka fulin Gobolka Sh/Hoose.