Skip to content

Dibad bax maanta ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya(Daawo Sawirada)

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa Maanta dibad bax cabasho ah Taalada Sayidka ee ku dhaw Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka dhigay Boqolaal askari oo isugu jira Ciidanka Naafada Soomaaliyeed iyo Xubno kale oo dhawaan shaqada Ciidanka laga eryay.

Ciidamadan katirsanaa Milatariga Soomaaliya ee shaqada laga joojiyay oo isugu jira Naafo iyo kuwa caadi ah ee manta Dibad baxa dhigayay ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Jen. Daahir Indho Qarsho .

Qaar kamid ah Dibad baxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si sharci daro ah shaqada looga eryay xaqoodiina la duudsiiyay, waxa ayna tilmaameen in ay ciidanka kamid ahaayeen mudo badan ayna lasoo kulmeen dhibataooyin kala gadisan intii ay ciidanka ku jireen.

Afhayeenka Ciidanka Naafada ee ku jira Isbitaalka Martini Cabdi Mahad Cali ayaa sheegay in Ciidanka Soomaaliyeed ay usoo dhibtoodeen una hureen naftooda balse maanta ay nasiib daro tahay in abaalkooda laga dhigay in ay qaxooti noqdaan.

Ma ahan markii ugu horeesay ay dibad baxyo cabsho ah Magaalada Muqdisho ka dhigaan Ciidamu isugu jira Naafo iyo kuwa kale oo dhawaan Shaqada ay ka eryeen Taliska Milatariga Soomaaliya .

 

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????