Skip to content

Diyaaradihii ugu badnaa oo siday Boqolaal Soomaali Tarxiil ah oo maanta kasoo dagay Garoonka Aadan Cadde

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay ilaa Shan diyaarad oo siday ku dhawaad 800-oo Soomaali laga soo tarxiilay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Dadka Soomaalida ah ee laga soo tarxiilay Sacuudiga ayaa isugu jiray Haween Caruur wata , Dhalinyaro iyo dad da’ ah kuwaa oo wajiyadooda ay ka muuqatay daruuf xoogan ay kala kulmeen Xabsiyada Dalkaasi.

Soomaalida Tarxiilka ah ee maanta laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ahaa kuwii ugu faraha badnaa ee la keeno maalin kaliya, waxaa saraakiil ka tirsan maamulka garoonka ay sheegeen in ugu yaraan 770 qof saaka ay garoonka ka soo dejiyeen shan dayuuradood oo ay kala leeyihiin shirkadaha Daallo iyo Jubba.

Dadkan Maanta laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde ayaa Wajiyadooda waxaa ka muuqday Farxad ku aadan in Dalkooda dib ugu soo laabtaan , waxa ayna tilmaameen in dhibaatooyin badan kala soo kulmeen intii dalkaasi kunoolaayeen.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Garoonka Aadan Cadde waxaa si joogta ah uga soo dagayay Diyaarado waday Soomaali laga soo tarxiilay Dalkaasi kuwaa oo xiliyada lasoo qabanayay qaarkood aysan wadan wax kabadan labada shey ee markaasi u xirnaayeen.