Skip to content

Dowlada oo Faah Faahin ka bixisay waxa ay ahaayeen Madaafiicdii xalay lagu garaacay Magaalada Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay Weeraro Hoobiyaal ah oo xalay lagu garaacay Xaafado badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho qal qal badana ka galiyay Shacabka ee kunool Magaalada. Taliyaha qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir ahna afhayeenka guud ee hay’adaha ammaanka Generaal Maxamed Yuusuf Madaale ayaa sheegay in baaritaan cilmi ah oo ay sameeyeen ciidamada Booliska lagu ogaaday waxyaabahii xalay ee Madaafiicda u ekaa ahaayeen qaraxyada loo adeegsado tababarrada ciidamada iyo Filimaanta ee been abuurka ah. Jeneraal Madaale ayaa xusay in Ciidamada amaanka gacanta ku soo dhigeen dad kabadan 50-qof uu tilmaamay in lala xariirinayo falal la xariira qal qal galinta amaanka Magaalada , waxa uuna xusay in qaarkood dambiyada lagu hayo baaritaanana la marsiinayo. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal C/xakiin Daahir Saacid ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in magaalada Muqdisho ay ammaan tahay ciidamada ammaankuna ay ku sugan yihiin dhammaan xaafadaha magaalada oo ay ku jiraan goobihii ay ka dhaceen qaraxyada been abuurka ah ee magaalada Muqdisho. Taliyaha Wuxuu sheegay in walxaha ay u adeegsadeen falkaan ay yihiin kuwa aan wax saameyn ah ku yeelan dadka iyo xitaa dhulka ama dhismayaasha, caddaaladdana la hor keeni doono kuwii ka dambeeyay falkaasi qalqalgilinta ah. Madaafiicdii xalay ku dhacday qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaan geesan wax dhibaato sidaa u badan marka laga reebo dhaawacyo yar yar oo soo gaaray dad rayid ah sida ay xaqiijiyeen ilo caafimaad oo kusugan Magaalada Muqdisho. Dad badan ayaa isweediinaya waxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho hadii ay hoobiyaal yihiin halka laga soo tuuray iyo sababta Ciidamada amaanka oo kusugan guud ahaan Magaalada Muqdisho ku ogaan waayeen .