Skip to content

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Eedeynta ku aadan in Xarakada Al-Shabaab Hub ka iibiyeen

Storyline:Archive, National News

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) oo la hadlay Idaacada VOA ayaa beeniyay eedeyn uga timid Gudiga Cunaqabateynta Hubka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea .

Jen .Dahir Aadan Cilmi ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay eedeynta Guddigan uga timid oo ahaa in Masuuliyiin katirsan Madaxtooyada Soomaaliya qaab Musuq maasuq ah hub uga iibiyeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Gudiga Cunaqabateynta Hubka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea Magaalada Muqdisho yimaadeen labo jeer ayna geeyeen Bakhaarada Dowlada Hubka ku keedsato wax walbana indhahooda kusoo arkeen.

” Waxaa ii muuqda in Warbixinta guddigan fafayeen in ay tahay been abuur ,Muqdisho labo jeer ayey yimaadeen markii aan geynay Bakhaarada Keydka hubka wey ku qanceen waxaana ka qaadnay Muuqaalo cadeenaya ” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

Jen .Dahir Aadan Cilmi ayaa tilmamaay in Dowlada Soomaaliya tan iyo markii Cunaqabateynta hubka laga qaaday ay soo iibsatay labo jeer hub nuucyada yar yarka ah ,waxa uuna intaa raaciyay in hubkaasi gacan adag lagu hayo.

Hadalka kasoo yeeray Taliyaha Ciidamka Xooga Soomaaliyeed ayaa imaanaya xili Gudiga Cunaqabateynta Hubka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea ay shaaciyeen in Madaxtooyada Soomaaliya hub si musuq maasuq ah ugu wareejisay Saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab.