Skip to content

Wasiirka Gaashaandhiga Dawlada Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Ciidamo Mareykan ah oo Muqdisho Ku Sugan

Wasiirka Gaashaandhiga Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka hadlay unug yar oo ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugan caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo saaka wareysi siiyey VOA ayaa xaqiijiyey jiritaanka ciidamadaasi oo uu sheegay inay yihiin tababarayaal iyo la taliyayaal dhinaca dagaalka ah oo caawinaya ciidamada dawlada Soomaaliya.

“.. Runtii ciidankaasi waxay yimaadeen bishii Oktoobar sanadkii hadda dhamaaday [2013] waxayna muujineysaa sida dawlada Mareykanka ay uga go’an tahay inay caawiso dib u dhiska ciidanka qaranka Soomaaliyeed.” ayuu wasiirka yiri mar uu ka hadlay imaanshaha ciidankaasi.

Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in unug ka mid ah ciidankeeda ay joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo saldhig u yahay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo la weydiiyey waxa ay qabanayaan ciidamadan ayaa ku sifeeyay inay ka caawinayaan dhanka tababarada, la talinta iyo arrimaha la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka ayaa sheegay in dawlada Mareykanka ay si buuxda isu garabtaagtay dawlada federaalka Soomaaliya, ayna qeyb ka tahay in dawlada laga caawiyo dib u dhiska iyo horumarinta ciidamadeeda qalabkasida si buu yiri dawlada ay u hanato ammaanka gudaha wadankeeda.