Skip to content

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in ay la wareegeyso Gurigii lagu qabto Hub iyo Waxyaabaha qarxa

Storyline:Archive, Science & Tech

Xili amaanka Magaalada Muqdisho sii xumaanayo ayaa masuuliyiinta dowlada waxa ay ka dhawaajinayaan Hanjabaadyo ku aadan sida Al-Shabaab looga adkaan karo loogana saari karo guud ahaan Dalka.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay xoog kula wareegeyso gurigii lagu qabtaa hub iyo Waxyaabaha qarxa.

” Ciidamada Dowlada waxa ay bilaabi doonaan baaritaano lagu galayo guryaha laga shakisan yahay in ay ku dhuuntaan Al-Shabaab ,gurigii lagu qabtaa waxyaabaha qarxa iyo hub ay Shabaab leeyihiin waxaa la wareegi doonto Dowlada ” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha

C/llaahi Goodax Barre ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la sameyn doono sharci cusub oo wax looga qabanayo dadka la tuhmayo in Al-Shabaab katirsan yihiin marka la xiro dadka kasoo daba orda ee gacanta ka geesta sii deyntooda.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa imaanaya xili amaanka Magaalada Muqdiso maalmihii lasoo dhaafay uu sii xumaanayay kana dhacayeen qaraxyo iyo dilal qorsheesan.