Skip to content

Dowladda Maraykanka oo duldhigay 3 milyan saddex nin oo ka tirsan Al-shabaab:

Storyline:Archive, Science & Tech

Dowladda Maraykanka ayaa war ka soo baxay waxaa lugu sheegay in la Abaalmarin doonno qofkii keena maclumaad lugu soo qaban karo saddex nin oo ka tirsan dagaal-yahannada Al-shabaab ee dowladda Soomaaliya la dagaallama.

Warkan waxaa uu ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka,waxaana ay sheegtay wasaaraddu inay abaal marin gaadhaysa 3 milyan oo doollaar ugu siin doonto ciddii keenta macluumaad horseedda in la soo qabto maxkamadna la hor keeno saddex nin oo ka tirsan Al-shabab.

Wasaaradda ayaa lacagtan dul dhigtay sadexda nin oo kala ah Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Jacfar, iyo Yaasiin Kilwe.

Cabdiqaadir oo loo yaqaano Cikrima ayaa sida wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku sheegtay waxaa uu dhashay sanadkii 1979kii, waxaana uu ku dhashay dalka Kenya, waxaana uu laayay saddex farood oo gacantiisa bidixda ah, Wasaaradda ayaa ku eedaynysa in uu soo qoro dhalinyarada Kenya ee ku biiraysa al Shabaab.

Ninka kale oo lagu magacaabo Jacfar oo sidoo kalena loo yaqaano Cammaar, ayaa ah ku xigeenka Cikrima, waxaana muuqaalkiisa lagu tilmaamay in uu laayahay mid ka mid ah indhihiisa.

Qofka saddexaad oo lagu magacaabo Yaasiin Kilwe ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ay tilmaantay inuu yahay amiirka ururka Al-shabaab ee Puntland, waxaana xilkaasi u magacaabay hoggaamiyaha sare ee al Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli xooggaga Al-shabaab laga saaray inta badan gobollada koonfured iyo gobolleda dhexe,sidoo kale waxaa jirta khilaf ka dhex-jira qar ka mid ah saraakisha Al-shabaab.