Skip to content

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey sameynta guddiyo wax ka ogaada xaaladdaha labada dal

Storyline:Archive, Science & Tech

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in dowladda Kenya ay kula heshiisay sidii loo sameyn laha guddi laba dhinac ah kaaso ka shaqeyn doonna isku soo dhawan shiyaha iyo ogal shiyaha xaaladda labada dal,sida waxaa sheegay safiirka Soomaaliya Kenya u fadhiya.

Guddiyadan waxaa la sheegen inay shaqadoodu noqon doonto xiriirka labada dowladood sida ugu haboona isaga warqabi doona,.

Hehsiiskan waxaa wada gaaray raysul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mohamed Ali Americo, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey jiritaanka sameynta labada guddi,sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiis wada shaqeyned ay wada gaaren wasaaraddaha arrimaha dibadda labada dal kuwaaso si dhow uwada shaqeyn doonna.

Sidoo kale safiirku waxaa uu sheegay in arrimhi ay kawada hadlen madaxweynaha ku-xigeenka Kenya iyo raysul wasaaraha Soomaaliya ay isku afgarteen.

Dalka Kenya waxaa uu qeyn ka yahay dalalka ay ciidamadu ka joogan Soomaaliya kuwaaso qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee nabada lugu raadinayo.