Skip to content

Faah Faahin kasoo baxaysa Kulan Deg deg ah oo xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa Habeenkii xalay kulan Deg deg ah oo amaanka looga hadlayay ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliyada Wasiirada Arimaha Gudaha , Amaanka Qaranka , Warfaafinta iyo Saraakiisha Dhinaca amaanka u qaabilsan Dowlada.

Kulanka ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay xaalado amaan daro oo kusoo kordhay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaafiic xalay iyo Habeen hore ku dhacday Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa kusugnaa Taliyasaah Ciidanka Booliiska iyo Nabad Sugida kuwaa oo wax laga weediiyay waxyaabaha ay kala socdaan dhacdooyinka kusoo kordhay Magaalada Muqdisho ee Duqeymaha xiliyada Habeenkii ah.

Kulanka markii uu soo dhamaaday Waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Qaranka mudane Ibraahin Isaaq Yaroow waxa uuna sheegay in Dagaalyahanada Al-Shabaab iyo kuwa nabadda diiddan aysan lahayn awood oo ay wiiqmeen, ula jeeddada ay u sameynayaan ficilladan fulaynimada ahna ay tahay inay cabsi galiyaan shacabka Soomaliyeed.

Wasiirka waxa uu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay sugeyso ammaanka dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, dhawaana ay la wareegi doonto goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, Isagoo qiray in dowladdu ay ka warqabto kuwa ammaanka caqabadda ku ah meel kasta oo ay joogaanba.

Ibraahin Isaaq Yaroow ayaa sheegay in uu jiri doono la xisaabtan dhab ah Hay’adaha amaanka uqaabilsan Dowlada Sida Nabad Sugida iyo Booliiska , waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay is dajiyaan oo la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago falalka ay maleegayaan dad uu sheegay in cadaw ku yihiin jiritaanka umada Soomaaliyeed.

Kulanka Deg dega ah ee ka dhacay xalay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaanaya xili habeenkii xalay qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho kusoo dhaceen Madaafiic aan la ogeyn halka laga soo tuuray.