Skip to content

Faah faahin kasoo baxaysa waxa uu ahaa iyo cida uu katirsanaa nin Soomaali ah ay xireen Ciidamada Malaysia

Storyline:Archive, Science & Tech

Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Nin Soomaali ah oo la sheegay in uu horey uga tirrsanaa Xarakada Al-Shabaab, kaa oo maalintii Khamiistii Ciidamada Booliiska Dalka Malaysia ay gacanta ku dhigeen.

Hay’ada amaanka u qaabilsan Dalka Malaysia ayaa sheegay in ninkan ay qabteen uu katirsanaa Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya , mana jiraan faah faahino intaas dheer ay bixiyeen laamaha amaanka Dalka Malaysia.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya ninkan ay qabteen Ciidamada Malaysia in uu horey uga tirsanaa Saraakiisha Ururkii Xisbul Islaam ee isku dhiibay Dagaalyahanada Al-Shabaab , waxa uuna markii dambe kamid ahaa sida wararka lagu helayo Al-Shabaab.

Ninkan la xiray ayaa la tilmaamay in uu kamid ahaa Xubnihii kasoo baxsaday Xarakada Al-Shabaab markii la dilay Ibraahim Afgaan iyo Macalim Burhaan oo kamid ahaa Saraakiishii ugu sareesay Al-Shabaab, waxa ayna ragaan ku baxeen gacanta amiirkaAl-Shabaab.

Sida xogo lagu helay Ninkan hada gacanta ugu jira Ciidamada Malaysia ayaa Magaciisa waxaa lagu sheegay Abuu Yaasir Al-Muqdishi, waxa uuna kamid ahaa Xubnihii la socday Sheekh Xasan Dahair Aweys , Ciidamada Nabad Sugda Dowlada ayaa la sheegay in ay xireen ninkan kadibna ay sii dayaeen.

Sirdoonka Dalka Malaysia ayaa hada wada baaritaano dheeraad ah ay kusameenayaan ninkan loo heesto in uu katirsan yahay Al-Shabaab , waxaana Ciidamadu barayaaan sababta uu ninkan Dalka Malaysia u yimid iyo ujeedkiisa.