Skip to content

Faah Faahino kasoo baxaysa Dagaal ay ku dhinteen Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Storyline:Archive, Science & Tech

Faah Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Culus oo magaalada Baydhabo shalay galab ku dhax maray Ciidamo katirsan Booliiska iyo Milatariga Dowlada Federaalka Soomaaliya .

Iska-hor-imaadka ayaa ka dhacay bar kontrool oo taaley meel u dhaw saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo ,Waxaana rasaasta is weydaarsadey ciidamo Boolis ah iyo ciidamo kale oo katirsan milatari .

Goob joogayaal ayaa kuwaramaya in ciidanka Booliska ay u diideen ciidamada Milatariga oo ilaalo ka ahaa gawaari xamuul ah inay ka gudbaan barta koontarool , waxaana xiligaas kadib goobta ka bilowday dagaal labada dhinac dhax maray.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyoodey Dagaalka dhax maray Ciidamadakawada tirsan Dowlada Soomaaliya , dadka dhintey waxaa ku jira Taliye ku-xigeenkii Qaybta Booliska Gobolka Baay Col. Nishow Kurtun.

Magaalada Baydhabo waxaa xiligan ka jira Xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa labo Maamul Goboleed oo is diidan oo Magaaladaasi lagu dhisayo , labo maalin kahor ayey aheed markii Shir kasocday Baydhabo Maamul Lix Gobol ka kooban Madaxweyne loogu doortay Madoobe Nuunow ,halka shirka kale ee isna socda la filayo in dhawaan isna Madaxweyne loo doorto.