Skip to content

Gabar Dhalinyaro ah oo Nolosha isku gubtay kadib markii ay ka carootay ragii kufsaday oo xabsiga laga sii daayay:_

Storyline:Science & Tech, World

Gabar 18-sano jir u dhalatay Dalka Pakistan ayaa isku gubtay Afaafka Hore Saldhig Booliis oo kuyaala Degmada Muzaffargarh ee Gobolka Punjab ,kadib markii Xabsiga laga sii daayay afar nin oo gabadhaasi kufsi kula dhaqaaqay.

Gabadhan ayaa u geeriyootay Dhaawac halis ah oo kasoo gaaray Dab ay is qabadsiisay maalintii Khamiista aheed iyadoona u geeriyootay Dhaawacaasi jimcihii shalay , waxaana la tilmaamay in gabadhan oo lagu Magacaabo Aamna Bibi ay ka carootay Kooxo burcad ah oo kufsi u geestay oo laga sii daayay Xabsi ay ku xirnaayeen.

Kooxaha Burcada ah ee kufsiga u geestay gabadha is dishay ayaa xabsiga laga sii daayay kadib markii ay bixiyeen lacago laaluush oo gaareysa 70,000 rupees oo u dhiganta £690 Bond , sida ay ku warameen ehelada gabadha is dishay.

Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in ay ka hor istaageen Aamna Bibi banaanbax cabasho ah ay sameen laheed , waxa ayna xiligaa kadib gabadhan dhalinyarada ah go’aansatay in nolosheeda soo afjarto ayna is gubto.

Goob joogayaal ayaa kuwaramay in Ciidamadii Booliiska ee kusugnaa Saldhiga ay gabadhan isku hor gubtay in aysan sameyn wax caawinaad ah ama in ay ka hor tagaan in gabdhaan ee nolosheeda is dhaafiso.

Ciidamada Booliiska Dalka Pakistaan ayaa inta badan lagu eedeeyaa in aysan wax weyn kasoo qaadin kufsiga Haweenka u dhashay Dalkaasi loo geesto , waxa ayna inta badan beeniyaan in ay dhacaan Falal kufsi ah